Wargeyska New Vision oo ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer Uganda, fadhigiisuna yahay caasimadda dalkaasi ee Kampala, ayaa soo bandhigay warbixin uu kaga dayrinayo khatar amni oo uu sheegay in ay wajahayso kooxda Villa Soomaaliya, xilli uu si xawliya u socdo diyaargarowga bixitaan ee ciidamada shisheeye ee Soomaaliya.
"Soomaaliya waxay wajahaysaa khataro amni iyadoo ciidamo shisheeye ay dedejinayaan ka bixitaankooda, dhaqaale-yarina jirto…” Waa cinwaanka warbixinta, taas oo wargeysku uu baahiyey jimcihii shalay.
Kooxda Villa Soomaaliya ayuu wargeysku xusay in ay wajahayso caqabado amni oo sii kordhaaya, iyadoo ciidamada shisheeye ay dedejinayaan ka bixitaankooda goobo istaraatiiji ah oo si gaar ah muhiim ugu ah waardiyeynta kooxda Villa Soomaaliya ee ku sugan caasimadda Muqdisho.
"Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay jiraan dhaqaale-yari ba'an iyo xiisado siyaasadeed oo gudaha ah, taasoo dhalisay walaac laga qabo in Villa Soomaaliya aanay weli diyaar u ahayn inay si buuxda ula wareegto mas'uuliyadda amnigeeda.” Ayuu yiri wargeysku.
Sida warbixintu ay xustay, UPDF waxay si tartiib-tartiib ah Soomaaliya ugala baxaysa dhammaan ciidamadeeda, oo ay ku jiraan kuwa hadda ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee isbahaysiga AUSSOM, marka la gaaro dhammaadka sannadka 2027.
Falanqeeyayaasha amniga ayaa ka digaya in ka bixitaan aan si wanaagsan la isugu dubbaridin ama xilli hore la sameeyo uu abuuri karo firaaq amni, maadaama laga cabsi qabo in Al-Shabaab dib ula wareegto saldhigyada ay ka baxayaan ciidamada Uganda.
Khubarada dhinaca difaaca ayuu wargeysku sheegay inay ku nuuxnuuxsadeen in aan laga hor-tegi karin sii xoogaysiga Al-Shabaab, maadaama laga quustay oo mar kale aan loo heli karin taageero dhaqaale oo caalami ah oo joogto ah, kaabayaal saadka iyo sahayda milatari ah oo la isku hallayn karo.
"Waqtiga dhow, walaaca ugu weyn wuxuu harayn doonaa goobaha ku hareeraysan Muqdisho. Gobolka Shabeellaha Hoose iyo magaalooyinka ku yaalla buundooyinka ayaa ah difaaca koonfureed ee caasimadda, ciidamada Uganda-na muddo sannado ah ayay gacanta ku hayeen,” ayay tiri Samira Gaid, oo ah falanqeeye amniga gobolka ah.
Dhaqaale-yarida joogtada ah ayaa sidoo kale adkaynaysa geeddi-socodka kala-guurka. Dalalkii lacagaha bixin jiray oo wajahaya ciriiri miisaaniyadeed ayaa dhimay taageeradii dhaqaale ee ay siin jireen AUSSOM, taasoo cadaadis saartay hawlgalka si uu u dedejiyo wareejinta mas'uuliyadda amniga ee ciidamada Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, dhaqaale-yarida joogtada ah ayaa caqabad ku noqday qorshaha kala-guurka. Dalalkii lacagaha bixin jiray oo iyaguna wajahaya ciriiri dhaqaale, ayaa yareeyey taageeradii ay siin jireen ciidamada Afrikaanta AUSSOM.
Caqabadahan ayuu wargeysku carabaabay in hawlgalka ay ku qasbayso inuu dedejiyo wareejinta mas'uuliyadda amni ee saldhigyada ay gacanta ku hayaan, si kastoo uu u jiro walaac ku saabsan tabar-darrida dul-hoganaysa maleeshiyaadka Villa Soomaaliya.
Warbixintu waxa kale oo ay tilmaantay in dhaqaale-yaridu ay sidoo kale wiiqayso awoodda hawlgal ee AUSSOM, iyadoo saamayn ku yeelanaysa ayay tiri, sahayda la gaarsiiyo saldhigyada ciidamada, isku socodka gaadiidka iyo roondooyinka joogtada ah.
"Caqabaddu waxay ka soo gudubtay dib-u-dhacyadii ku imaan jiray bixinta gunnooyinka ciidamada, waxayna hadda isu beddeshay dhibaatooyin sii xoogaysanaya oo dhinaca saadka ah…” Ayuu wargeyska New Vision ku sheegay warbixintiisa.
Waxaanu intaa sii raaciyey "Arrintani waxay dhalinaysaa su'aalo ku saabsan in ciidamada Midowga Afrika ay sii wadi karaan hawlgalladooda, iyo inay si ku filan u taageeri karaan ciidanka DF Soomaaliya inta lagu jiro kala-guurka”
Ka bixitaanka ciidamada shisheeye ee la qorsheeyey ugu dambayn dhammaadka 2027 ayuu wargeysku tilmaamay in uu abuuray walaac aad u xooggan, maadaama awoodda maleeshiyaadka Villa Soomaaliya ay weli tahay mid aad u daciifa, isla markaana laga cabsi-qabo in Al-Shabaab ay la wareegi doonto Soomaaliya, marka ay baxaan ciidamada Afrikaantu.
